Friday, July 10, 2015

Xilliga uu soo bixi doono filimka ‘Welcome Back’ oo la shaaciyey

Xilliga uu soo bixi doono filimka ‘Welcome Back’ oo la shaaciyey
Xilliga uu soo bixi doono filimka ‘Welcome Back’ oo la shaaciyey

Jun 15, 2015 - Comments off

Qeybta labaad ee filimka soo baxay sanadkii 2007 ee ‘Welcome’ ayaa la shaaciyey in caalamka laga daawan doono oo la sii dayn doono 11 bisha September ee sanadkan 2015.

Aktarka filimkan ee Anil Kapoor ayaa bartiisa Twitter-ka ku xaqiijiyey xilliga uu soo baxayo filimkan waxaana uu soo qoray: “Welcomeback waxaa la sii dayn doonaa 11 September 2015.”

Filimka ‘Welcome Back’ waxaa wada jilaya Nana Patekar, Anil Kapoor, John Abraham, Paresh Rawal, Shruti Haasan, Brahmanandam iyo Shiney Ahuja.

Labels: ,

Thursday, July 9, 2015

Abcd2 iyo baby labadaba box office kooda keeba sareeya ?

    Abcd 2 waxuu gaaray isbuucii labaad 97.04 crores .. Virun dhawan waa filmkiisa koo baad ee       ugu croreka badan bollywood ka sanadkan 2015... Virun dhawan wali ma joojin dadaalka waxuu soo wadaa film cusub desember 25 .. Filmka Dilwale..
Baby  waxuu maraa 95.50 crores.. Akshay kumar Filmkiisa ugu qatar ee 2015 ..
india markuu soo baxay waa lagu daatay lkn isla saacaan wuu go.yay 

Filmka baby akshay iyo anupam kheyr aad iyo aad ayeed ugu dadaaleen..

akshay kumar wuxuu rajeynaa filmkiisa Singh is piling in sida filmka abcd 2 laguugu daatay oo kale in laguugu daatay...


Labels: , ,

Hit miyuu noqday mise Flop filimka Namastey London oo ay wadaan aktarrada Akshay Kumar iyo Katrina Kaif?







Waa wax ay taageerayaashu is weydiinayaan in filimka “Namastey London” uu noqday Hit mise Flop, haddaba sheekada filimkan ayaan eegeynaa maanta.
Filimka “Namastey London” ayaa waxa uu soo baxay 23 bishii March ee sanadkii 2007, waxaana filim soo saare ka ah Vipul Amrutlal Shah.
Waxaa filimkan “Namastey London” wada jilay aktarrada Akshay Kumar, Rishi Kapoor, Katrina Kaif, Clive Standen, Upen Patel iyo saaxiibo kale.
Box Office-ka iyo waxa uu filimkan ka sameeyey:-
Filimkan “Namastey London” ayaa wacdaro muuqda ka sameeyey Box Office-ka, waxaana uu ka mid noqday filimada lacagihii la galiyey ka badan soo xareeyey.
Waxaa filimkan “Namastey London” Box Office-ka shaaca looga qaaday inuu yahay Hit, oo waa filim guuleystay, isagoo ku biiray filimada guuleystay ee ay keeneen aktarrada Akshay Kumar, Rishi Kapoor iyo Katrina Kaif.
Namastey London” waxa uu noqday mid ka mid ah filimadii ugu sarreeyey ee lacagii ugu badnaa soo xareeyey filimadii Bollywood-ka ee soo baxay sanadkii 2007.
Filimkan ayaa lagu bixiyey dhowr abaal-marin oo kala duwan mid ka mid ahna waxaa qaatay Akshay Kumar.

Labels: , ,

Gayab af somali

Cast






Labels:

Remo D’Souza oo xaqiijiyay inuu bilaaway qorshaha Filimka ABCD 3.

ABCD-2 Directarla Remo D’Souza oo soo saaray dhawaan filimka ABCD 2 ayaa sheegay iney diyaarinayaan haatan qorshaha qeybta labaad filimka ee ABCD 3. ABCD 2 oo ay wadeen Shradha Kapoor iyo Varun Dhawan ayey dadka wada amaaneen lacago badana laga helay sidaa daraadeed waxaa ay sugayaan ABCD 3. Remo D’Souza ayaa xaqiijiyay in qeybta seddexaad Filimka iney ku tala jiraan laakiin ma uusan carabaabin Aktarka jilaya. Horay Tiger Shroff ayaa leysla dhexmarayay inuu jilayo ABCD 3 laakiin waa uu beeniyay.

Terminator 3 full movie


Terminator 3 2003 Rise of Machines Full Movie... by patelsiraj1

Labels:

Dil Ne yeh kaha hai af somali | dhadkan song

Labels: ,

John Abraham oo xaqiijiyay xiliga uu soo baxayo filimka la sugayo ee Welcome Back

Xiliga rasmiga ee la sii deynayo Filimka Welcome Back ee ay wadaan John Abraham,Anil Kapoor Nana Patekar , Paresh Rawal iyo Shruti Hassan ayaa la xaqiijiyay.
Filimkan ayey soo bixistiisa hakad gashay mudo badan waana qeybta labaad filimkii “Welcome ee soo baxay sanadkii 2007.
Welcome Back waxaa lagu waday inuu la soo baxo Filimka Aamir Khan ee PK oo December 2014 la siideeyay balse waxaa dib loo dhigay May 2015.
Hadaba John Abraham oo lagu badalay booska Akshay Kumar oo qeybta hore filimkan ku jiray ayaa bartiisa ku xaqiijiyay inuu soo baxayo Welcome Back 4-ta bisha September ee sanadkan
www.fiiirsonews.com
>> Qoraa Fiirso News

Labels: ,

Aktarada caanka ah ee Hema Malina oo shil gaari gashay cisbitaalna la dhigay


hema-malini-75991
Booliska Rajasthan ayaa xeray wadahada gaariga Aktarada Bollywoodka India ahna Siyaasi Hema Malini kadib markii uu gaariga si xawli u kaxeeyay uuna galay shil.
Mahesh Thakur oo ah 35 jir ayaa xabsiga la dhigay Jimcaha saakay waxaana la weydiinayaa su’aalooyin.
Afar jir ayaa ku geeriyootay shilka waxaana ku dhaawacmay lix ruux kadib markii gaariga Aktarka uu ka dhacay gaari kale  oo u dhawaa.
Dadka dhaawaca uu soo gaaray oo ay ku jirtay Aktarada ayaa la dhigay cisbitaal ku yaala Jaipur.

Esha Deol oo ah Aktarad ay dhashay Hema Malini ayaa ku booqatay hooyadeed cisbitaalka taas oo dhaawac uu ka soo gaaray isheeda midig.

Labels: ,

Akshay Kumar oo u duulay Romania si uu ugu soo duubo filimkiisa Singh is Bliing+sawiro




Akshay Kumar oo u duulay Romania si uu ugu soo duubo filimkiisa Singh is Bliing+sawiro

ei-249811
08/07/2015 Akshay Kumar ayaa ka ambabaxay garoonka diyaaradaha Mumbai Airport waxaana uu u duulay dalka Romania  halkaas uu ku duubayo filimkiisa soo socda ee Singh is Bliing.
Filimkan ayaa horay waxaa qeybtii hore loogu duubay magaalada Punjab,qeybtiisa labaadna waxaa lagu duubay magaalada Goa.
Directorka fillkan Singh is Bliing waa ninka ay soomaalida u garanayaan ee Boqorka ee Prabhu Dheva.
Qeybaha kale ayuu haatan Akshay Kumar ku soo duubayaa  dalka Romania.
Singh is Bliing waa filimaad maad ah.

Labels: ,

Wednesday, July 8, 2015

Katrina Kaif oo markale Akshay Kumar Filim la keeneysa kadib Namaste London

Katrina Kaif ayaa la sheegay iney markale la jili doonto Akshay Kumar filimka ‘Namaste London qeybtiisa labaad oo lagu wado iney soo baxdo.

Qeybta hore ee Filimkan waxaa wada jilay Katrina Kaif iyo Akshay Kumar.

Magaca qeybta labaad ee Filimkan ayaa la sheegay inuu noqonayo ‘Namaste England’ ,waa hubaal Akshay Kumar inuu jili doono laakiin wali waxaan la xaqiijin Atariishada la jil doonta.

Laakiin warar hoose oo la helayo maanta ayaa sheegaya Filimsameeyayaasha filimkan iney doonayaan qeybta labaad iney jilaan Aktaradii filimkii hore taas oo ka dhigan Katrina Kaif iney qeyb ka tahay filimka soo socda ee ‘Namaste England.

Sanadkii 2007 ayey soo baxday qeybta hore filimkan oo uu director ka ahaa Vipul Shah.


Labels: ,

Kaartada Filimka Drishyam ee Ajay Devgan oo la soo saaray

Ajay Devgan ayaa laga soo saarayaa muuqaalo kala duwan filimkiisa soo socda ee Drishyam iyadoo maanta aanu idin xaqiijinay iney filamadiisa kale 2016 iyo 2017 ay soo baxayaan.Drishyam waa filim qorsheysan inuu soo baxo sanadkan waxaana uu ku jilayaa nin reer leh,waxaana uu isugu jiraa filimkan dagaal iyo jaceyl.Shriya Saran ayaa ku jileysa xaaskiisa una dhaleysa labo gabar.31 bisha July ayaa la faliyaa inuu soo baxo.Dhinaca kale Ajay ayaa xaqiijiyay maanta  in Filimkiisa Shivaay” oo lagu waday inuu soo baxo sanadka 2017 bisha January uu soo bixi doona sanadka 2016, halka filimkiisa kale ee Son Of Sardaar uu soo bixi doono sanadka 2017.

Labels: ,

Imise filim ayey isla keeneen aktarrada Govinda iyo Johnny Lever oo loo garanayo Amadi?

Aktarrada Bollywood-ka caanka ah Govinda iyo Johnny Lever oo ay Soomaalidu u garanayso Amadi ayaa isla keenay ama wada jilay dhowr filim oo Boolywood-ka ah waana 29 filim.
Filimkii ugu horreeyey ee Govinda iyo Johnny Lever ay isla keenaan waxa uu ahaa Love 86 oo soo baxay sanadkii 1986-kii, halka filimkii ugu dambeeyey oo ay ka soo wada muuqdaan uu ahaa filimkii soo baxay sanadkii 2013 eeAap Jaisa Koi Nahin.
Haddaba halkaan hoose ka eeg dhammaan magacyada filimada ay isla keeneen Govinda iyo Johnny Lever iyo waqtiyada ay soo kala baxeen:-
Aap Jaisa Koi Nahin (2013) – Hindi
Govinda iyo Johnny Lever
Deewana Main Deewana (2012) – Hindi
Govinda iyo Johnny Lever
Sandwich (2006) – Hindi
Govinda iyo Johnny Lever
Khullam Khulla Pyaar Karen (2005) – Hindi
Govinda iyo Johnny Lever
Chalo Ishq Ladaaye (2002) – Hindi
Govinda iyo Johnny Lever
Pyaar Deewana Hota Hai (2002) – Hindi
Govinda iyo Johnny Lever
Akhiyon Se Goli Maare (2002) – Hindi
Govinda iyo Johnny Lever
Aamdani Atthanni Kharcha Rupaiya (2001) – Hindi
Govinda iyo Johnny Lever
Censor (2001) – Hindi
Govinda iyo Johnny Lever
Shikari (2000) – Hindi
Govinda iyo Johnny Lever
Joru Ka Ghulam (2000) – Hindi
Govinda iyo Johnny Lever
Beti No. 1 (2000) – Hindi
Govinda iyo Johnny Lever
Hadh Kar Di Aapne (2000) – Hindi
Govinda iyo Johnny Lever
Kunwara (2000) – Hindi
Govinda iyo Johnny Lever
Anari No. 1 (1999) – Hindi
Govinda iyo Johnny Lever
Dulhe Raja (1998) – Hindi
Govinda iyo Johnny Lever
Achanak (1998) – Hindi
Govinda iyo Johnny Lever
Aunty No. 1 (1998) – Hindi
Govinda iyo Johnny Lever
Deewana Mastana (1997) – Hindi
Govinda iyo Johnny Lever
Do Ankhen Barah Hath (1997) – Hindi
Govinda iyo Johnny Lever
Chhote Sarkar (1996) – Hindi
Govinda iyo Johnny Lever
Gambler (1995) – Hindi
Govinda iyo Johnny Lever
Rock Dancer (1995) – Hindi
Govinda iyo Johnny Lever
Ekka Raja Rani (1994) – Hindi
Govinda iyo Johnny Lever
Bhagyawan (1993) – Hindi
Govinda iyo Johnny Lever
Teri Payal Mere Geet (1993) – Hindi
Govinda iyo Johnny Lever
Khatarnaak (1990) – Hindi
Govinda iyo Johnny Lever
Hatya (1988) – Hindi
Govinda iyo Johnny Lever
Love 86 (1986) – Hindi
Govinda iyo Johnny Lever

Labels: ,

Kaartadii labaad iyo boorsamiintadii labaad ee filimka Amitabh Bachchan iyo Farhan Akhtar oo la soo saaray

Horay waxaan idinkugu soo gudbinay boorsamiintada Filimka Wazir iyo kaartadiisa markana waxaa la soo saaray kuwa cusub.
Filimkan Wazir oo ah oo mid dagaal ah ayaa waxaa jilaya Aktarada Amitabh Bachchan iyo Farhan Akhtar
Kani waa goos gooska labaad ee filimkan iyo kaartooyinkiisa cusub ee ah tii labaad oo ka soo baxda filimkan





Soosaarayaasha filimkan waa Chopra Films iyo Rajkumar Hirani waxaana la rajeynayaa inuu soo baxo horaanta bisha December ee sanadkan.

Labels: ,

Ranbir Kapoor iyo Katrina Kaif oo ka arinsaday toddobaadkan guurkooda

14/06/2015 Warbaahinta ayaa markale sawiro ka soo qaaday laamanaha is jecel ee Ranbir Kapoor iyo Katrina Kaif oo wada socda.
Labadan Aktar ayaa ah kuwa  sida weyn jaceylkooda loo hadalhayo waxaana la weydiiyaa mar waliba goorta ay is guursanayaan wallow aysan mudo rasmi qaban.
Ranbir Kapoor iyo Katrina Kaif oo dhaawan wada shaqeyn doono yacni filim wada keeni doona ayaa waqti isla qaatay isbuucaan iyagoo ka hadlay arimo badan oo ay ku jirto mustaqbalkooda xiliga dhow ee guurka.
Katrina Kaif  ayaa saaxib dhow la noqotay qoyska Kapoor ee Aktarkan  uu ka dhashay xili bishii hore kulan qado ah ay la qaadatay.
Sawirka la qaaday ayaa ah Ranbir Kapoor oo banaanka joogo iyo Katrina oo aan ka soo bixin wali gaariga laakiin waxyar kadib banaanka is keentay.
www.fiirsonews.com

Labels: ,

Fanaanka Pakistan Atif Aslam oo markii ugu horeysay ka heesaya Filimka Salman Khan

Fanaanka reer Pakistani Atif Aslam ayaa la sheegay inuu ka heesi doono filimka jaceylka uu wado Salman Khan ee Salman Khan ee ‘Bajrangi Bhaijaan’.
Waa markii ugu horeysay Atif Aslam uu ka heeso filim uu wado Salman Khan.
Heeska lagu magacaabo titled ‘Tu Chahiye ayuu ka qaadi doonaa filimkan kaas oo ay ka soo muuqanayaan Salman Khan iyo Kareena Kapoor.
Atif Aslam waa nin caan ka ah India oo waxaa uu ka heesay Filimo badan oo Bollywoodka laakiin waa markii ugu horeysay oo Filim Salman Khan uu wado ka heeso.
Bajrangi Bhaijaan boorsamiintadiisa ayaa la rajeynayaa 18-ka bishan June iney soo baxdo.

Labels: ,

Akhriso:Hrithik Roshan oo daboolka ka qaaday Aktarka guushiisa ka dambeeya

Hrithik Roshan ayaa siweyn ugu mahadcelinaya Jilaaga Hollywoodka Sylvester Stallone oo uu qabo inuu yahay ninka maanta ku dhiira geliyay inuu Aktarka weyn noqdo.
41 jirka Hindia u dhashay ayaa ugu hambalyeeeyay Sylvester Stallone oo ay soomaalida u garanayaan Raambow dhalashadiisa.
Sylvester Stallone ayaa maalintii shalay aheyd waxaa uu noqday 68 jir.
Hrithik Roshan oo keenay filimo badan oo Akshin ah kana mid yahay Bang Bang ayaa sheegay Sylvester Stallone inuu ku dhiira geliyay inuu noqdo qof ku ad adag nolashiisa.

Bartiisa Twitterka ayuu ugu hambalyeeyay Aktarka uu taageeraha u yahay.

Labels: ,

Rajada in filim ay wada keenaan Aamir Khan, Salman Khan iyo Shah Rukh Khan wali waa halkeeda” Sajid Nadiadwala

Filimsameeyaha lagu magacaabo Sajid Nadiadwala ayaa wali ku adkeysanaya inuu wax aan macquul aheyn uu macquul ka dhigayo oo Filim kiisa ah ay isla keenayaan Seddexda Khan ee Aamir Khan, Salman Khan  iyo Shah Rukh Khan.
Horay uma dhicin in seddexda Khan oo tartan uu ka dhaxeeyo Iney filim wada keenaan taas oo ay ku guuldareysteen Directaro badan.
Sajid Nadiadwala ayaa sheegay inuu ku riyoonayo in tani ay dhacdo”markii aan dhameeyay Filimkii KICK ee salman Khan  dadka waxaa ay I weydiiyeen filimkeyga xiga waxaan u sheegay inuu yahay midka ay wadaan Seddexda Khan.
“xiriir wanaagsan ayaan laleeyahay Salman Khan,sidoo kalana Shah Rukh iyo Aamir waa lamid,waan jeclaan lahaa iney igu taageeraan fikirkaan ayuu yiri.
Shah Rukh Khan oo wax laga weydiiyay arintan toddobaadkan ayaa ka gaabsaday.

Labels: ,

Shah Rukh Khan oo sheegay inuu filim duubista ku soo laabanayo xili dhow

 Shah Rukh Khan ayaa bartiisa Twitterka ku shaaciyay in xili dhow uu ku soo laaban doono duubista Filimka Raees.
21-kii bishii May ayaa Aktarka qaliin looga sameeyay jilibka kaas oo mudo dheer uu ku dhibtoonaa.
Shah Rukh Khan ayaa sheegay wali inuu ka dareemayo xanuun  jilibka qaliinka looga sameeyay balse waan soo laaban doonaa xili dhow ayuu yiri.
Shah Rukh Khan ayaa dhinaca kale xalay daawaday filimkiisii jaceylka ahaa ee Rab Ne Bana Di Jodi oo telefishinka India laga siideeyay.

Labels: ,

Tuesday, July 7, 2015

Salman Khan Uu Noqday Jilaaga Loogu Jecel Yahay Sanadkan 2015 / Bhajrangi bhaijaan Awgeed


Labels: ,

Seif Ali khan Iyo Directar Ka Nikhil Advani 11 sano wada Shaqeyn doonaan


Labels: ,

Filmka Xiisaha badan Ee Fugly

JILAAYAASHA FILMKAN ; Jimmy Shergal,Mohit Marwah, Vijendar Singh, Arfi Lampa, Mansha Behl.










Directer : Kabir Sadanand

Qarash gareeye , Akshay Kumar, Salman Khan, ashwini yardi

Akshay Kumar uu ku jiray Heesta Fugly Fugly Kiya Hai waayo Akhay wuu Caawiyaa Aktarada aanan caanka aheyn iyo waliba Box-office kana waxuu doona in Eey Ku guuleeystaan.


Labels: ,

Mucaaradka Somaliland oo Xukuumadda ku eedeeyey inay heshiis la gashay Somalia & Jawaabtii XSL  2  0

madaxweyne Siilaanyo ku eedeeyey inay xidhiidh qarsoodi ah la gashay Somalia taasoo ay ku tilmaameen qaran dumis iyo khiyaamo qaran.

Isbahaysiga mucaaradka Somaliland ayaa ka jawaabay waraaq sir ah oo la sheegay in laga jabsaday Wasaaradda arrimaha dibadda Sucuudiga oo Shabakadda siraha faafisa ee Wiki-leaks baahisay, kuwaasi oo laga dhex helay warqaddo muujinaya heshiis Xukumadda Somaliland la saxeexatay Somalia.

Gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADANI ahna gudoomiyaha golaha Wakiiladda C/raxmaan Maxamed C/laahi Cirro ayaa sheegay in waraaqdaasi sirta ah ee la helay tilmaamayso in xukuumaddu heshiish qarsoodi ah la gashay Soomaaliya si ay uga mid noqoto Fadaraalka Soomaaliya ka jirta.

 “Waxa jiray waraaqo laga soo saaray wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Saudi Arabia, waraaqahaas faraha badan ee laga helay Sucuudiga waxaa ka mid ah xog  la helay oo ku saabsan in Xukumadda Somaliland February 18-keedii 2012-kii ay dawladda Soomaaliya, Puntland iyo maamullo kale heshiis la saxiixatay kaasoo ah in Somaliland ay Federaalka Somalia ka mid noqoto,” ayuu yidhi  Cirro Guddoomiyaha Xisbiga Waddani oo ka hadlay shirjaraa’id oo ay isbahaysigoodu ku qabtay magaaladda Hargeysa.

Waxaanu intaas ku daray “Runtii warkaasi waa mid ka soo horjeeda Qaranimada,dastuurka iyo aftidii shacabka Somaliland ee 97% isku raaceen inaanay madax banaanidoodu marnaba gorgortan gali karrin. Waxaa ayaan darro ah in Xukumadda Somaliland marar badan mucaaradka ku eedeysay inay Federalka Xidhiidh la leeyihiin laakiin, waxaa hadda soo baxay Dhukumenti rasmi ah oo meelo rasmi ah ka soo baxay oo dawladdo ka soo baxay. Waxaa intaas dheer in sida qalabka warbaahinta Somaliland baahisay xukumaddu arrintaas qiraal ka samaysay oo aanay dafirin, iyadoo eeda iskaga riixaysa wasiir ka tirsanaan jiray Xukumadda (Maxamed Cabdillaahi Cumar), waxay ila tahay wasiirkaasi wasiir uun buu ka ahaa xukumadda wuxuuna ku shaqaynayay Siyaasadda dawladda. Wasiirka in la bedelo ayaa marar la soo jeediyay laakiin, madaxweynuhu wuxuu ku dhaartay inaanu waligii bedelayn inkastoo uu markii dambe bedelay. Shacabka Somaliland warkaas baanu u sheegaynaa, wixii talo ah waanu urursanaynaa, waxgaradkeeda salaad-diinteeda, aqoon yahankeeda, diyaasiyiinteeda wixii arrintaas laga yeelayana mar dambe ayaanu u soo bandhigi shacabka Somaliland”.

Musharaxa madaxweynenimo ee xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen, oo isna halkaaasi ka hadlay ayaa yidhi “Warqaddaas sirta ah oo aanay dafirin xukumadda Somaliland, oo ay eedana dusha ka saartay wasiirkii hore ee khaarajiga ayaa horta ah ajandaha aanu iskugu nimid.waxaynu ognahay Xukuumadda Somaliland markii ay xilka la wareegtay waxay tidhi Siyaasaddii arrimaha dibadda Somaliland waanu bedelnay iyagoon shacabka u sheegin waxay ku bedeleen. Waxaynu ognahay in halkii ictiraaf laga raadin lahaa ay dadka ku mashquulisay Xukumaddu wada hadalo ma dhalays ah oo sii soco iyo soo soco ah, taas oo muujinaysa oo hadda ay shaxdu iskugu kaayo xidhayso inay wixii ay u socdeen tahay arrinkan uun, heshiiskaa ay February 2012 dhacay uun sidii loo fulin lahaa laga shaqaynayay”

“Dambi haddii la galay kii ugu weynaa weeyi, waa khiyaamo qaran, doorasho dib u dhacday macno ma lahaateen laakiin, waxa loogu dheggan yahay waa taas Illaahay maanta soo saaray. Ummadda Somaliland wuxuunu u sheegaynaa inay u Diyaar-garoobaan sidii ay madaxbanaanideeda ula soo noqon lahayd, way baxdaye, way iibsantay waxay goysayba, sabab noqon mayso hebel baa sidaas yidhi oo aanu sidaad ku erinay, waxay ahayd in markay ogaadeen qabtaan oo maxkamad taagaan haddii iyagu daacad ka yihiin, arrin yar oo iska sahlan maaha ee ninka isagoo wasiir ah magaca Somaliland ku saxeexay federal ayaanu ka mid noqonaynaa dawladda Somaliland ayuu wakiil ka yahay, madaxweynahana waa ka wakiil, haddaanu Madaxweynuhu ogayn waxa wasiirkiisu qabanayo dee wuxuu ku maqan yahay garanmaayo” ayuu yidhi gudoomiyaha madasha wadatashiga  Somaliland Xasan Guure.

Dhinaca kale, Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa markiiba ka jawaabay eedihii ay usoo gudbiyeen mucaaradku, waxaanu Bartiisa arrimaha bulshadda uu ku leeyahay ee Fac-booka soo dhigay qoraal uu kaga jawaabay eedaasi.

“Waxaan qalinka u qaatay inaan kalmado kooban kaga falceliyo qoraal aan macno iyo miisaan badan lahayn oo lagu baahiyay saxaafadda qaarkood kaasoo sheegaya in Mareegta caanka ku faafinta siraha dawladaha ee Wikileaks ay baahisay qoraal lagu sheegay in ay kasoo jabsatay keydka siraha ee Wasaaradaha arrimaha dibeda ee Sucuudiga nuxurkeeduna yahay heshiis sida ay ku sheegeen Somaliland iyo Somalia ku saxeexdeen inay dib u midoobaan!! Waxaase kasii daran in ay ku doodeen in aan Wasiirkii hore ee Arrimaha dibeda Dr Mohamed Abdilahi Omer aan dusha u saaray!”

Waxaanu intaas ku daray “Warkan oo ah been abuur aan loo meel dayin ayaan kaliya uuga falcelinayaa si aan bulshada ugu iftiimiyo xaqiiqda sidoo kalena dardaaran iyo tilmaam u siiyo cid walba oo war aanay hubin iska baahisa iyo siyaasi walba oo isaga oo aanan xog rasmi ah raadin go’aankiisa ku saleeya wax uu maqlay oo kaliya! Hadaba, Sida la ogyahay marka aad masuul doonayso inaad hadalkiisa xigato waxaa lagama maarmaan ah in aad soo baahiso muuqaal “Video” uu arintaa kaga hadlayo ama aad kasoo xigato qoraal rasmi ah oo uu baahiyey balse aanay ahayn oo kaliya waa la yidhi! Waxaan kula dardaarmaya warbaahinta qaarkood in aanay lumin macmiilkooda “Customers” isla markaana marwalba awooda saaraan soo gudbinta wararka xaqiiqda ku salaysan. Waxaan sidoo kale tilmaam siinayaa siyaasiyiinta marwalba ku go’aan qaata war ay maqleen oo kaliya balse aanan xog ururin iyo xaqiiq raadis toona samayn ee markaaba warka ay maqlaan sii baahiya ama cid ku dhaliila waxaan leeyahay xasuusta Xadiiskii Nebigeena Muhamed SCW ee macnahiisu ahaa:“Qof waxaa been uugu filan inuu sii gudbiyo wax walba oo uu maqlo” Ugu dambayn waxaan leeyahay Qaranka Somaliland Qosol ku Jab maaha, Qoraal aanan Qorina Qofkii iska Qortay ayuu Qawl xumo ku yahay ee aynu ka korno hadal haynta hebel iyo hawraarta madhan.”

Www.Fiirsonews.com
●●●● Fiirso News
●●●●Wwww.Fiirsonews.blogspot.com

Labels: ,

Dowladda Somalia oo Toddobaadka soo socda oo Dacwad kale ka Gudbinaysa Xukuumadda Kenya  2  0 Google - See more at: http://www.hiiraan.com/news/2015/July/wararka_maanta7-92145.htm#sthash.3MvjURMX.dpuf

 Talaado, Luuliyo 07, 2015 (HOL) — Dowladda Somalia ayaa la sheegay inay ka qaadatay go’aan cad muranka xuduud-badeedka ah ee kala dhexeeya Kenya, sida uu Wasiirka War-faafinta Somaila maanta ugu sheegay Xafiiskiisa Muqdisho.
Maareeye ayaa intaas ku daray in dowladda Federaalka Somalia ay Warbixin qoto-dheer ka dhageysatay laba Qareen oo dowladda Somalia kala shaqeynaya howsha Xuduud badeedka Soomaaliya.
Sidoo kale, Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya ayaa sheegay in Isniinta nagu soo aaddan ay Dowladda Federaalka Soomaaliya u Gudbin doonto Dacwaddeeda ka Dhanka ah Muranka Xuduudda Badda ee kala dhexeysa Kenya.
“Waxaa Warbixin laga dhageystay lala qareen oo Somali ah kuwaasoo dowladda Somalia  qaabilsan dacwadda ku saabsan Xuduud-badeedka Soomaaliya iyo Kenya oo aad og-tihiin in marar badan oo hore la isku dayay wada-xaajood lagu dhameeyo, balse ay suuro-geli wayday, markii dambena dowladda federaalka Somalia ay go’aamisay inay dacwad ka gudbiso markii lagu qanci waayay doodda Kenya ayna xuduudoodii badda ku ekaan waayeen. Dowladda Soomaaliya waxay Hague u gudbisay dacwad, waxaana sidoo kale 13-ka bishaan gudbin doonaa dacwadda oo dhameystiran,” ayuu yiri Maareeye.
Wasiirka oo sii hadlayay ayaa sheegay in Kenya ay xaq u leedahay muddo sideed bilood ah ay ku diyaarsato jawaabtii ay bixin lahayd, markaa kaddibna fadhigii ayaa billaabanaaya, waxayna ku beegmaysaa maxkamadeynta arrintan bisha Maarso ee sannadka soo socda 2016-ka.
Ugu dambeyn, Wasiir Maareeye ayaa la su’aalay arrinta ku aadan sababta AMISOM uga baxayaan qaar ka mid ah deegaanada ay dalka kaga sugan yihiin, isagoo xusay in dolwadda ay Arrintan kala hadashay Hogaanka Ciidamada AMISOM ayna sheegeen in Amar la’aan aysan AMISOM ka bixi karin deegaannada ay ku sugan Www.Fiirsonews.com

Labels: ,

Bajrangi bhaijaan

The Eid Movie Of Bollywood / Salman Khan/ Bhajrangi Bhaijaan/
                                                                                                                                                                                                                   

Labels: ,

:Mogadishu International Port


Labels:

DILWALE 2015

...

FILIMKA JACEYLKA AH EE DILWALE AYAA HABEYTA LAGU WADAA 
SHAH RUKH KHAN OOXAKHIIQIYEY IN FILMKA SAMEEYNTIISA AAD U ADAGYAHAY

Dilwale 2015

Shah Rukh Khan iyo Kajol ayaa filin laabtay Dilwale u muuqataa in ay leeyihiin oo dhan sameynayo sugayo ah. King Khan lagu arkay rasaas loogu goobta ficil ee Bulgaria. Waxa uu la qooqaya jaakad madow iyo midabo. Waxa ay u muuqataa in xiddiga reer laguma kaliya ciyaaro ka taataabtay dhinta-adag ee filimka laakiin sidoo kale samayn doonaa stunts qaar ka mid ah filimada Rohit Shetty. Inkasta oo sawirka waa garabaka uu fiirin Jab Tak Hai Jaan, haddana waxa ay tahay in lagu arko haddii filimka isaga ayaa ciyaari doona in ay kaalin la mid ah.
Shah Rukh Khan ma ahan oo kaliya wanaagsan ee isku dayaya stunts macho. Fiiri wixii kale ayay wax qirteen ku saabsan ku saabsan chemistry la Kajol ...

Labels: ,

Shahid kapoor and Mira Rajpu Aroskooda 7.7.2015


Shahid kapoor and Mira Rajpu  Aroskooda 7.7.2015


Gabadha quraxda badan iyo shahid kapoor uu dhacaya arooskooda 7.7.2015 ..
Wargeesyada waxa eey sheegeen in Labadaan lamanaha ah in eey is jeclaayeen muda 3 bil..
una suurta gashay in uu arooso Mira Rajpu 

Labels: ,

Filimka ABCD 2 Lacaga Lagu Qarash Gareeyay, Tiyaatarada La Saaray Iyo Sida Uu Guul Ku Gaari Karo



ilimkan Dance-ga ku saabsan waxaa wada jilayaan Varun Dhawan, Shraddha Kapoor iyo Prabhu Deva wuxuuna ku socdaa xawli aan caadi ahayn kaasi oo sababi karo inuu gaaro darajo ahaan Super Hit ama Blockbuster!

Hadaba hoos kaga bogo xog ku saabsan filimkan lacagaha lagu qarash gareeyay, guud ahaan tiyaatarada la saaray iyo sida uu guul ku gaari karo.

Filimka ABCD 2 waxaa maalintii jimcadii ahayd la saaray 2,550 tiyaatar ee ku yaalo gudaha dalka Hindiya.

Filimka ABCD 2 waxaa lagu qarash gareeyay 60 Crore ($9.68M) hadii aan lacagtaan sii faah faahino 45 Crore waxay ku baxday sameynta filimkan iyo lacagaha shaqaalaha guud la siiyay halka 10 Crore ayay ku baxday xayeysiinta iyo suuq geynta filimkan loo sameeyay.

Filimkan waxaa isla qarash gareeyeen shirkadaha UTV iyo Walt Disney Pictures ka hor intii aan tiyaatarada la saarin filimkan labadan shirkadood lacagaha hoos ku qoran ayaa usoo laabatay:

Xuquuqda Satellite oo ay iska iibiyeen (Satellite Rights) waxay ka heleen: 15 crore

Halka Muusigada iyo heesaha filimkan oo siweyn u gadmeen ay ka heleen: 8 Crore



Sidaa darteed ka hor intii aan filimkan la saarin kooxda iska leh waxaa usoo laabtay 23 Crore qayb ka mid ah qarashkii ka galay.

Sidaa darteed jimcadii markii tiyaatarada kala duwan la saarayay labada shirkad ee filimkan iska leh waxay u baahan yihiin in 37 Crore uu tiyaatarada ka keeno filimkan waayo 23 Crore waxay ka heleen Satellite Rights iyo heesihii gadmeen.

Hadaba kooxda cajaladaha qaybiso (Distrubuters) iyo kuwo tiyaatarada iska leh (Exhibitors) waxay macaash heli karaan marka uu filimkan keeno lacago badan.

Sidaa darteed ABCD 2 waa inuu 74 Crore keeno labo qayb ayaa loo qeebinaa madaama kooxda cajaladaha qeybisay iyo kuwa tiyaatarada iska leh dhig ka qaadan doonaan midaas oo ka dhigan in 37 Crore ay shirkada qarash gareesan qaadan doonto halka 37 Crore iyadana ay qaadan doonaan kooxda qaybisay cajaladaha maraas laba dhinac wax qasaaro ah ma qabaan.

Ugu dambeyntii anagoo og in ABCD 2 laga rabo 37 Crore inay uga soo laabato kooxda filimkan qarash gareesay marka tiyaatarada la saaro xaalkiisa sidaan ayuu noqon karaa:

Hadii uu keeno 25 Crore waa filim bur buray waayo 25 crore labo u qeybi waa 12.5 Crore ayaa koox walbo kusoo aadeyso waana qasaaro madaama ay qarash gareeyayaasha 37 Crore ka maqan tahay.

Hadii uu 40 Crore keeno waa Flop filim lagu qasaaray waayo koox walbo 20 Crore ayay qaadanee qarash gareeyayaasha qasaaro ayaa ugu sugan.

Hadii uu 60 Crore keeno waa Average waayo koox walbo 30 Crore ayay qaadanee waxaana ka luntay kaliya 7 Crore kooxda qarash gareesay.

Hadii uu keeno 75 Crore wixii ka badan waa Hit waayo koox walbo 37 Crore iyo ka badan ayay qaadaneysaa.

Hadii uu 100 Crore ka badan keeno waa Super Hit waayo koox walbo 50 Crore iyo ka badan ayay heleysaa

Hadii uu 130 Crore ka badan keeno waa Blockbuster waayo koox walbo 65 Crore iyo ka badan ayay heleysaa.

www.fiirsofilms.blogspot.com
FIIRSO FILMS

Labels: , ,

Kamal Hassan iyo kooxdiisa u ka mid yahay Saif Ali Khan oo dib ugu so labtay Bollywoodka.

Waa filim riyo u ah Kamaal Hassan, qofkii ahaa qoraaga filimkaan lixdii sano ee la so dhafay iyo waxa uu kalo doonaya in ey la shaqeeyan Saif, taasoo sababtay 

 in uu lug kula haado in ey wada shqeeyaan actorka weyn ee Saif Ali Khan iyo Kamal Hassan ey dib ugu so wada labteen cinema of india Bollywoodka as 

 dictor-actor

Labels: ,

Sonakshi Sinha oo beenisay inuu shukaansado Salman Khan iyo Aktaro kale

Hadii Aktarada Bollywoodka ay bilaaween in dhexdooda ay is  

shukaansadaan oo ay jaceyl isu qaadaan waxaa arinkaas gaashaanka u

duruurtay Akarada uu dhalay Anjeex ee lagu magacaabo Sonakshi Sinha. 

Warar ayaa sheegayay maalmahan in  Sonakshi Sinha ay xiriir laleedahay

Aktar ka tirsan bollywoodka.

Laakiin waxaa ay sheegtay in siyaasadeeda aysan qeyb ka aheyn in xiriir

iyo shuukaansi ay la sameyso raga ay wada shaqeeyaan.

Midkoodna ma shuukaansado Aktarada aan wada shaqeynay ee Salman Khan, Akshay Kumar,

Shahid Kapoor, Ranveer Singh iyo Arjun Kapoor ayey tiri.

Aktarka sida weyn lala xiriirinayay waxaa uu ahaa Arjun Kapoor.

Labels: ,

Mega Mag Blogger Template Mega Mag Blogger Template

728x90 AdSpace

­Top Banner Advertisement
  • Latest News

    Games

    Movies

    News

    • Movies
    • Motion Design
    • News
    • Sports
    Friday, November 22, 2013

    Pictures

    Music

    Games

    Education

    Sports

    Business

    Scroll to Top